Faah faahin qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada Ciidanka ee Genaraal Kaahiye

Qaraxani oo dhacay Saakay aroortii ayaa waxaa fuliyay nin xirnaa Jaakadda Qaraxyada waxa uuna geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in inta la ogyahay dhimashadu ay tahay ku dhawaad 10 qof,halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ninkaas ayaa isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidanka Booliska oo ku sugnaa barxadda dugsiga tababarka ee Genaraal Kaahiye,kuwaasi oo isku diyaarinayay in ay gutaan howlmaalmeedkooda.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in ninkan is qarxiyay uu xirnaa dharka Sportska oo ku dul-xirtay Jaakada Qaraxyada,wuxuuna ka soo baxay meel luuq ah,iyagoo intaasi ku daray in khasaaraha intaasi uu ka badan lahaa hadii uu gaari lahaa halka ay ku feylaan ciidanka,balse uu qalqalay islamarkaana halkaasi isku qarxiyay.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana saraakiishu ay sheegayaan in khasaarah uu intaasi ka badnaan karo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media