Faah faahin:-Qarax Gaari oo ka dhacay Magalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay Koontoroolka ay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaliya ku leeyihiin wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa mid laga soo buuxiyey Gaari nooca Soomaalidu u taqaano NOAH waxana la sheegay in Darawalka Gaariga uu iskudayay in uu xoog ku maro koontoroolkaas basle ay Ciidamadu rasaaseeyeen taas oo keentay in uu qarxo.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaas uu ku dhintay wadihii Gaariga halka ay ku dhaawacmeen 3 ka mid ah ciidamadii koontoroolka ku sugnaa.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya Saacado uun kadib markii Wadooyinka Muqdisho la furay oo Maanta loo xiray Tartanka orodka gaaban ee Muqdisho lagu qabtay,kas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Gawaarida qaraxyada loo adeegsado ayaa todobadyadii la soo dhaafay waxa ay ka dhaceyn degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedkeeda,iyada oo Ciidamada amniga Soomaaliya ay ku jiraan feejignaan dheeri ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media