Faah faahin khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo Barqanimadii Maanta ka dhacy qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaraxaas uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso taas oo la dhigay ka soo horjeedka Warshada Biyaha Caafi ee ku taalla Wadada Warshadaha.

Sidoo kale waxaa la sheegay in xiliga qaraxa Miinada uu dhacayay uu Goobta marayay Gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Laba Ruux oo Goobta ka agdhawaa ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxaas kuwaaas oo loola cararay Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Rasaas ayaa la sheegay in ciidamadu ay kor u rideen iyada oo intaas kadib ay Goobta ka tageen ciidamadu xaaladuna ay caadi ku soo laabatay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media