Faah faahin khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Muqdisho

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad qaab hab beeleed ah u abaabulan oo taageero ka helaya Ciidamo ka tirsan dowladda waxa uu ku dhexmaray Xaafada Saban Saban ilaa Xaafadaha ku teedsan Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad ee degmada deeyniile.

Dagaalka labada dhinac ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ay dhul halkaasi ku yaalla ay isku qabsadeen,waxana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in ilaa 3 Ruux ay dagaalkaas ku geeriyoodeen oo sigu jira labadii Ciidan ee wada dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Dagaalka Galabta ka dhacay Xerada 77 iyo Haanta dheer oo ah mid soo lab laabtay ayaa Galabta socday waxka badan hal Saac,waxana jiray barakac ay dadka qaar ee goobalaha lagu dagaalamay deganaa sameeyeen.

Xerada 77 iyo Haanta dheer ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisada dagaal,waxana Galabta halkaasi weerar ku qaaday Maleeshiyaad hubeysan,iyada oo kuwo kale oo ku sugnaa Xerada Saban saban ay iyana iska difaaceen.

Laamaha amniga Soomaaliya weli dagaalkaas kama hadlin,iyada oo wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ay sheegaayan in xaaladu ay tahay mid degan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media