Faah faahin kasoo baxeysa C/laahi Cali Xuseen Caano Geelle oo lagu dilay Dharkenleey.

kadib markii kooxo hubeysan ay xalay fidkii Degmada Dharkenleey ku dileen nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay C/laahi Cali Xuseen Caano Geelle ayaa xiligaan waxaa kasoo baxaya warar dheraad ah.

shaqsiga la dilay oo horay loo sheegay in uu kamid ahaa macalimiinta wax ka dhigayay School-ka Dharkee
nleey sidoo kalana kamid ahaa bahda Sports-ka degmadaas ayaa warar xiligaan soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu kamid ahaa weriyaasha Website-ka Waaga cusub oo xaruntiisa dhexe ay ku taalo magaalada Amstardam ee dalka Holand.

lama oga sababta ka dambeysa dilkiisa hayeshee maamulka degmada ayaa sheegay in ay weli ku raad jogaan kooxihii ka dambeeyay dilka Marxumkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor