Faah faahin ka soo baxeysa weerarkii lagu qaaday Gaariga Xildhibaanad Sahra Cumar Maalin

Barqanimadii Maanta ayaa Gaariga Xildhibaanada lagu weeraray degmada Dharkenley gaar ahaan Xaafada suuq-liif waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray dadkii saarnaa Gaariga oo uu ku jiro Darawalkii xildhibaanada.

Koox hubeysan oo watay Gaari NOAH ayaa Gaariga Xildhibaanada rasaaseeyay waxaana halkaasi dhawac ka soo gaaray Aabaha dhalay Wasiirka Caafimaadka Maamulka Galmudug Naciimo Catoosh iyo Darawalkii Gaariga waday.

Aabaha dhalay wasiiradda ayaa  laga soo qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kaas oo ka yimid Magaalada Dubia ee Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug iyo Xildhibaanad Sahra Maalin oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah saaxiibo isku dhaw taas oo fududeysay Gaariga Sahra oo hadda ku maqan Xajka in ay isticmaasho Naciimo Catoosh.

Sahra Cumar Maalin oo Maanta gaarigeeda la weeraray ayaa ku soo baxday doorashada kursigii ugu dambeeyay 36,dii Xildhibaan ee laga soo doortay Galmudug waxaana la xasuustaa in muran badan uu ka dhashay kursigaas.

Beesha ay ka soo jeedo xildhibaanada oo baarlamaanka ku leh Saddex kursi ayaa Nabadoonkooda Maxamed Cabdi Shiddo waxa uu kursiga Gabadha u calaamadeeyay Jufada uu ka soo jeedo Xasan sheikh Maxamuud oo ahaa Madaxweynihii xiligaas.

Balse Madaxweyne Xasan Sheekh oo isticmaalayay awooda dowliga ah ayaa si qasab ah xildhibaanka jufadiisa uga dhigay Saadaq Macalin Cabdi Kariim oo uu Adeer u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ahaana Agaasime ku xigeenkii Xafiiskiisa isaga oo ka biyo diiday in uu Gabar keeno.

Ugu dambeyntiina madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddiga doorashooyinka ku wargeliyay in booska Gabadha ay u wareejiyaan dhanka Beesha Absuge halkaas oo ay Sahro Cumar Maalin ka soo gashay xildhibaanimada Baarlamanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media