Faah faahin ka soo baxeysa weerar ka dhacay gobolka Jubbada hoose

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka  oo baxayaan dagaal Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka Magalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii kolonyo ay la socdeen ciidamada Jubbaland oo marayay duleedka Magalada Dhoobley ay weerareen Al-Shabaab,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday oo dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay maqlayeen rasaasta ay isweey daarsanayeen labada dhinac basle aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa wax ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileyn Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo la socday ciidamada Jubbaland  kaas oo Magaciise ay ku sheegeen Cabdi Fitaax Jeeni,isla markaana ay hubkii ka qaateen.

Marka laga soo tago Warka ka soo baxay Al-Shabaab weli dagaalkaas wax faah faahin ah kama bixin Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media