Faah faahin ka soo baxeysa qarax ka dhacay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro u geestay dad Shacab ah oo xalay ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Bari Puntland.

Qaraxaan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Balikhadar oo aan ka fogeen Buuraha Galgala ee Gobolka Bari,waxaan la sheegay in uu qaraxa ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso islamarkaana ay la kacday Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas waxaa ku dhintay laba ruux oo kala ahaa Haweeneey iyo Seeygeeda oo Gaariga qaraxa qabsaday wada saarnaa.

Weli majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaas ka dhacay meel aan ka fogeen Buuraha Galgala ee Gobolka Bari Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media