Faah faahin ka soo baxeysa qarax ka dhacay agagaarka Dekadda M/Muqdisho

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa qarax culus laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir,iyadoona qaarxa kadib la arkayay Uuro iyo Holac Cirka isku shareeray.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof naftiis hure ah ayaaI la sheegay in uu ku qarxay agagaarka Dekadda weyn ee Muqdisho gaar ahaan ka soo  Shirkadda SomaliFruit oo ku dhegan dekeda Muqdisho Maqaaxi ku taalla oo dad badani ay isugu yimaadaan.

Qof aan ka fogeen Goobta qaraxa ka dhacay oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in qaraxaas uu dhaliyay khasaaro dhimasho  iyo dhaawac ah ,waxana Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya,iyo waliba Gaadiidka ambalaasta kuwaas oo Meydadka iyo dhawacyada halkaasi ka qaaday.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Somaaliya ayaa goobta ku wajahan kuwaas oo la filayo in War-baahinta ayaa faah faahin ka siiyaan khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media