Faah faahin ka soo baxeysa Gaari Miino kula kacday Gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari ka yimid degmada Bardaale islamarkaana qaad ama Jaad,u siday Magaalada Baydhabo ay Miino la qaraxday islamarkaana ay dad ku geeriyoodeen.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo ahaa dadka Gaariga saarnaa ayaa geeriyooday,waxaan Wararka qaar ay sheegayaan in Al-Shabaab qaraxa kadib ay rasaas ku fureen Gaariga in kastoo aan weli la xaqiijin hadalkaas balse uu jiro qaraxa Gaariga haleeyay.

Gaariga ayaa noociisu ahaa Noah,islamarkana xiliga Miinada ay la kaceysay uu marayay deegaanka Oowdiinle,kana yimid dhanka degmada Bardaale oo uu qaadka ka keenay sida uu radio Dalsan u sheegay mid kamid ah dadka ku nool deegaanka Oowdiinle.

Deegaanada Gobolka Baay ayaa waxaa weli ku jira Miinooyin,kadib markii ay dhowr mar ku wada dagaalameen Ciidamada dowladda Somaaliya iyo kuwa Amisom,waxana deegaanka Oowdiinle ee Gobolka Baay ay marin u tahay Ciidamada Amisom oo mararka qaar isticmaala.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media