Faah faahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay degmada Xudur ee G/Bakool

faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab xalay ku dhex maray deegaano hoostaga degamda Xudur ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceellahelay oo 20km u jira Xarunta Gobolka Bakool ee Magaalada Xudur sida ay dadka deegaanka Radio Dalsan u sheegeen.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 5 ruux oo labadii dhinac ee wada dagaalamay ah halka in ka badan 10 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen ku waas oo haatan lagu daweynayo Goobo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada xudur.

Dgaalka ayaa socday in ka badan Saacad,waxaana Wararkii u dambeeyay ee saakay naga soo gaaray ay sheegaayn in xaaladu ay iminka tahay mid degan islamarkaana ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan dhaqdahqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaanadii ay Al-Shabaab weerarka uga soo qaadeen.

Dhanka kale xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino faahfaahinada dheeraadk ah ee dagaalka dhex mary iyaga iyo Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media