Faah faahin Haweeney Caawa lagu dilay Degmada Hurwaa ee G/Banaadir

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil  Caawa fiidkii ay Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ee gobolkan Banaadir ugu geysteen  Haweeney ka mid aheyd Maamulka degmada Hurwaa.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Canab Cabdquaadir Daahir,waxana la sheegay in aheyd Madaxa  Nadaafadda Waaxda Barwaaqo ee degmada Hurwaa,iyada oo dadkii ka dambeeyey dilkaas ay baxsadeen.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya kuwaas oo sameeyey howlgallo baariatano ah wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan dadkii falka dilka ah geystay.

Waa dilkii labaad ee mudo 48 Saacadood waxka yar Muqdisho loogu geysto masuul ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir,waxan xalay degmada Xamarweyne lagu dilay Gudoomiye Waaxed ka tirsanaa maamulka degmadaas oo lagu Magacaabi jiray Fagaase.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho ku soo batay dilalka qorsheysan,iyada oo dilalkaas intooda badan ay sheegtaan masuuliyadooda Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media