Faah faahin dilka dhacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Kooxo hubeysan waxa ay degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ah.

Dilka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay Buundada Koowaad ee degmadaasi Waaberi,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkaas ay Goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegen in Wiilka Kooxda hubeysan markii ay dileen kadib ay rasaas isweey daarsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya oo Goobta ka agdhawaa laakin aan lagu guuleysan in la qabto.

Maamulka degmada Waaberi weli kama hadlin dilkaas,waxa uuna ku soo aadayaa xili Maanta Barqadii degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Jaamacadda Gaheyr lagu dilay xidigle ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Farxaan Barkhad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media