Faah faahin dil ka dhacay Gudaha degmada Afgooye ee G/Shabeellaha Hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo ku hubesnaa Bustoolado oo dil ka geystay  gelinkii dambe ee Maanta Gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxdaan ayaa Goob Ganacsi uu ku sugnaa ku dilay Nin lagu Magacaabi jiray Abuukar Qaasim Tushiba kaas oo la sheegay in uu ka mid ahaa Macalimiinta Iskuul ku yaala degmada Afgooye.

Dadkii ka dambeyay dilka ayaa Goobta isaga bxsaday,waxana markii dambe tegay Ciidamada Booliiska Afgooye kuwaas oo sameeyay Baaritaano kooban wallow aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyda dilkaas,iyaga oo sheegay in ay dileen mid ka mid ah Askarta Ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka.

Sikastaba Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli wax  faah faahin ah kama bixin dilkaas iyo hadii ay jiraan dad ay u soo qabteen.