Faah faahin:-Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo  ka wada tirsan dowladda Federaalka.

Dagaalkaas ayaa waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye ay weerar kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Deyniile oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Beco oo ka tirsan degmadaas, iyagoona la tilmaamay in xiligaas ay cabirayeen dhul.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isdhaafsanayeen laga maqlayay inta bada Xaafadaha Deyniile iyo kuwo ku teedsan.

Sidoo kale dagaalkaas dhexmaray Ciidanka ka wada tirsan dowladda Federaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday 5 Askari, halka tiro kalena uu dhaawac soo gaaray.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiisad u dhexeeyo labada Ciidan ay weli ka taagan tahay deegaanka Beco, sidoo kalena jiro weli wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan dagaalkaas Khasaaraha geystay ee ka dhacay Muqdisho.