Faah faahin dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya Saldhig Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose oo gelinkii dambe ee Maanta weerar lagu qaaday.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaaden Saldhigga Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Mashalaaye ee duleedka degmada Qoryooleey gobolka Shabeellaha Hoose.

Intaasi kadib waxa bilaawday dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaabkii weerarka ku qaaday,waxayna dadka deegaanka sheegeen in ay siweyn u maqlayeen jugta culus ee hubka la isku adeegsanayay.

Weli lama cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Dhinaca kale waxaan la xiriirnay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose si aan wax uga weeydiino dagaalkaas balse kama jawaanin taleefoonadeena.

Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in goobihii lagu dagaalamay ay Caawa degan yihiin isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media