Faah faahin dagaal Caawa ka dhacay Muqdisho

Waxaa caawa Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Shaleemo Cabdi waayeel oo ku taalla degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Waxaa la sheegay in kooxda hubeysan ay weerarka soo qaaday iyo Ciidamada dowladda uu dhexmaray dagaal toos ah oo muddo daqiiqado ah socday.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay inoo sheegay in rag hubeysan oo aan la garan waxa ay yihiin Caawa weerar ay ku qaadeen fariisin Ciidamada  dowladda ay ku leeyihiin Shaleemo Cabdi waayeel,iyagoo tilmaamay in ay maqleen rasaas xoogan oo labada dhinac ah,taasi oo dadka qalqal gilisay.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkan caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor