Faah faahin Afar qof oo lagu dilay deegaan ka tirsan Puntland

Xalay Saqdii dhexe ayaa Afar qof oo Reer guuraa ahaa waxaa lagu dilay Tuulada Dhuudo ee gobolka Karkaar Puntland,iyada oo dadkii ka dameeyey dilkaas ay Goobta ka baxsadeen.

Afarta qof ee la dilay ayaa waxa ay wateen Gaari Booyad ah,iyaga oo Biyo ka dhaansanay Ceel Biyood ku yaalla deegaanka Dhuudo,waxana rasaas ku furay Maleeshiyaad hubeysan sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Maamulka Magaalada Bandar Beyla oo hoostaga tuulada uu falka ka dhacay ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta dadkaasi loo dilay iyo cida ka dambeysa intaba.

Gudoomiyaha deegaanka Bandar Beyla Siciid Anteeno oo la hadlayay Warbaahinada ku yaalla deegaannada Puntland ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyey falkaasi dilka ah,isla markaana wixii ka soo baxana ay soo gudbin doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media