Ex. Xildhibaan Xoosh: “Wiilasha kufsiga ka geystay Galdogob waxaa ku jira walaalkey, waxaana…”

C/raxmaan Xooshi Jibriil oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray kiis kufsi ah oo ka dhacay Gobolka Mudug.

Ex. Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in mid ka mida wiilasha falka geystay uu yahay walaalkiisa la dhashay, wuxuuna sheegay inuu ku baaqayo in sharciga la horkeeno intii falkaasi geysatay.

HOOS KA AKHRI QORAAL UU SOO DHIGAY BOGGIISA FB


Uj: Kufsiga ka Djacay Galdogob
Waxaan asxaabteyda fb u sheegayaa in dadka lagu soo eedeeyay arrintaan foosha xun uu ku jiro wiil aan walaalo nahay oo 15 jir ah. Inta aan ka war qabo waa inta soo socta:
1. Markii u dagaalkii sokeeye dhacay, aabbahay Allaha u Naxariisto wuxuu ku haray waddanka, guursadayna, ilma badan aan walaalo nahay ay ka dhasheen guurkaas.
2. Wiilka arrintaan lagu soo eedeeyay waxaa ka yar hal gabar, kana weyn 3 will iyo gabar eey isku bah yihiin.
3. Kulli waa walaalaheey, aabbahii na wada koriyayna wuxuu geeriyooday October 30, 2016. Waa markii labaad aan tago Galdogob waligeey aniga iyo inta waaweeyn walaalaheey.
4.Mar laga jogo 3 usbuuc camal ayaa wiilal aan qaraabo nahay isoo waceen iina sheegeen in eey arrintaan foosha xun dhacday. Waxaan wiilasha kula taliyay in arrintaan sharciga la marsiiyo.
4. Waxeey wiilasha ii sheegeen in ey arrintu dhex taallo wadaadada magaalada Galdogob, laakin eey ka fiican tahay in la marsiiyo dacwo madina ah lana kaashado, Duqa magaalada Mudane Ayaxle iyo dowlad goboleedka Puntland. Waan ku raacay arrintaas waxaana uga digay inaan arrintaan xaal Somali lagu dhameeynin iyo hoos-hoos.
5. Dhowr maalmood kadib waxaan la hadlay Guddoomiyaha degmada Mudane Ayaxle oo aan ku iri arrinta sharciga ha loo wareejiyo, lagana saaro xeer Somali. Mudane Ayaxle wuu igu raacay.
6. Waxaa dhacday in ciidan Police ah oo Puntland ah eey yimaadeen magaalada maalma kadib uuna dalbay Mudane Ayaxle, laakin buuq lagu furay askartii, buuqaas oo ka yimid wadaadada oo ku andacoonaya in shareeco la marsiiyo. Askartii saas beey ku noqdeed.
7. Dadkii falkaan xun lagu eedeynayay waa xiran yihiin, aniga iyo reerkeygana waxaan taageersannahay in sharciga la marsiiyo ciddii lagu helo fal dambiyeed.
8.Marna aniga iyo walaalaheey ( oo gabdho u badan) ma difaaceeyno falalka noocaan oo kale in uu waddankeenna iyo meel kaleba ka dhaco.
9.Laakin waxaan rabnaa in dhowr natiijo kaso baxdo arintaan:
(a) In dambi baarsi fiican la sameeyo si loo xaqiijiyo siday wax u dhaceen.
(b). In ciqaab istaahisha falkaan xun la marsiiyo dadkii dambi u caddaado.
(c). In dhibbanaha loo helo daawo caafimaad iyo counseling.
(d). In arrintaan oo kale la hubiyo in eey mar dambe dhicin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor