EURFOR oo Drones u adeegsanaya Hawlgalka lagula dagaalamayo Burcad-baddeed.

Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe (ATALANTA) ayaa sheegay inay Diyaaradaha Drones-ka u adeegsan doonaan sidii ay ula socon lahaayeen Dhaqdhaqaaqa Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska ka faallooda Hawlaha Badda ee The Maritime Exeutive waxay Ciiddanka Badda Spain ee la socda Markabka Dagaalka ee ESPS Galicia, qeybtana ka ah Hawlgalka ATALANTA waxay bilaabeen inay adeegsadaan Drones-ka ScanWagle si ay ugu aadeegsadaan Ilaalo Sahminta ee Xeebaha Somalia.

Diyaaradaasi waxay awoodi kartaa inay habeen iyo maalin hawada ku jirto  muddo 18-saacadood si ay u soo qaado Muuqaalladda Kooxaha Burcad-baddeeda ee ku sugan gudaha Badda iyo Berriga.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Kooxo Burcad-baddeed ah bishii hore qafaasheen Markab Booyadle Shidaal ah oo lagu magacaabo ARIS 13, kaasi oo lagu soo afduubtay Xeebta Degmadda Caluula ee  W/bri Somal.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media