EU: Khatarta Shuban-biyoodka ku sii faafayo Somalia oo laga digay.

Hay’addaha Gargaarka ee Midowga Europe ayaa ka digay Khatarta uu shuban-biyoodka ku hayo dadka Soomaalida.

Madaxa Hay’adda Samafalka Aadminimo  ee Ururka EU-da ugu qaabilsan Somalia, John Heffinck ayaa sheegay inay sii kordhayaan dadka u geeriyooda cuddurka Koleeraha, wuxuuna tilmaamay  inay  in ka badan 18,000  oo kiis lagu arkay Somalia snnadkan, kaasi oo 3,000 oo kiis dheer sannadkii hore oo la arkay  ku-dhawaad 15,000 kiis ee Cuddurka Koleeraha.

Waxa uu xusay in xaalladda cuddurkjaasi ee haatan si aan caadi ahayn loogu dhimanayo, iyadoo 45-kii Bukaan uu mid ka mid ah u geeriyoonayo Shuban-biyoodka.

Qoysaska ayaa waxaa lagu khasbaa inay cabaan biyo aan nadiifka ahayn, iyadoo ay Somalia ka jirto Abaar daran.

Kala bar Tirada guud ee Soomaalida ayaa la filayaa inay Kaalmo u baahnaan doonaan  bisha July ee soo socota.

Madaxa Hay’adda Samafalka Aadminimo  ee Ururka EU-da ugu qaabilsan Somalia, John Heffinck waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in qarka loo saaran yahay Macluusha, haddii uusan roobku da’in.

Dhinaca kale, waxa u usheegay inay Hay’addaha Samafalka si joogto ah u shaqeynayaan si looga hortago Masiibadii Macluusha ee Somalia ka dhacday sannadkii 2011-kii, kuna geeriyoodeen in ka badan 260,000 oo qof.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media