EU-da oo qorsheynayso inay mushaarka ka jaraan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Ciiddanka Burundi ee ku sugan Somalia oo tiradoodu dhan tahay 5,400 Askari ayaa waxay khatar ugu jiraan in laga jaro Mushaarka ay Midowga Europe bixin jireen.

Tallaabadaasi ayaa looga dan leeyahay in Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza lagu saaro cadaadis, si uu u oggolaado Wada-xaajoodka looga hadlayo Xaalladda Siyaasadeed iyo Nabadgeliyo ee dalkaasi oo aad u kacsan.

Diplomaasi ka tirsan Midowga Europe oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inaysan sii socon karin Taageeradda ay EU-da siiyaan Guutadda Nabad-ilaaliyahaasha Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Askarta Burundian ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM waxa uu midkiiba haatan mushaar ahaan bishii u qaataa 1,000 Dollar, inkastoo ay Dowladda Burundi ka jarto Askari kasta 200-Dollar bishiiba.

Midowga Europe waxaa horey u saarnaa cadaadis si ay u jaraan dhamaan Kaalmadda Lacageed ee ay ku taageeraan Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay AMISOM codsanayaan inay Beesha Caalamka taageero dheeraad siiyaan Hawlgalka AMISOM.

Diplomaasi kale oo European ah ayaa sheegay inuu go’aan qaldan yahay in Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM laga jaro dhamaan Kaalmadda Dhaqaale ee la siiyo, wuxuuse tilmaamay in la jaro Lacagta Askartaasi loo soo marsiiyo Dowladda Burundi oo ku-dhaawaad 13 million oo Dollar sannadkiiba ka macaashto lacagaha 20% ee laga jaro mushaarka Askarta Burundi ka jooga Somalia.

Diplomaasigaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS waxa uu intaasi ku daray inay jirin sabab kale oo ay ku sii bixiyaan Kharajkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in ay Ururka Midowga Afrika “AU” la yeelan doonaan Wada-xaajood lagu anshax marin karo Dowladda Burundi.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda ee Burundi, Alain Nyamitwe ayaa u sheegay REUTERS  in Kaalmadda ay Midowga Europe ka jarayaan Dowladiisa micnaheedu ahayn inay Dowladda joojinayso shaqadeeda.

Mar wax laga weydiiyey Tallaabadda ay EU-da dib ugu eegayaan Kaalmadda ay siiyaan Ciiddanka Burundi, waxa uu Wasiirku ku gaabsaday inay ka war dhowri doono EU-da.

Sidoo kale, Ciiddanka Burundi ee ka soo kala jeeda Qabaa’illadda Hutuuga iyo Tuudisga ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM ayaa iyagana ku kala qeybsan Go’aanka EU-da iyo Xaaladaha ka jira dalkooda.

Dowladaha Europe iyo Maraykanka waxay bilaabeen inay jaraan Kaalmooyinka la siiyo Dowladda Burundi, si ay Madaxweynaha ugu noqoto cadaadis uu ku oggolaan karo in wada-xaajood la galo Mucaaradkiisa.

Qalaalasaha ka aloosan Burundi waxa uu sababay inay ku geeriyoodaan in ka baadan 400 qof tan iyo bishii April ee sannadkii hore oo uu Madaxweyne Pierre Nkurunziza sheegay inuu mar 3-aad isku soo taagayo Doorashadda oo uu ugu dambeyntii ku guuleystay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor