EU-da oo Ethiopia siinayso  Dhaqaale lagu daryeelayo Qaxootiga ay Soomaalida ku jirto ee ku nool dalkaasi.

Iyadoo ay in ka badan 10 million oo qof ku macluulsan yihiin dalka Ethiopia ayaa waxay Ururka Midowga Europe ugu yabooheen lacag dhan 122.5 million oo Europe.

Lacagtaasi oo ah Kaalmo Degdeg ah ayaa wax looga qabanaya dadka ay saamaysay Abaaraha ka jira Ethiopia oo lagu tilmaamay Abaartii ugu xumayd ee dalkaasi ku dhufata 50-kii sanno ee la soo dhaafay.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay EU-da ayaa lagu sheegay in qeyb ka mid ah Kharajkaasi lagu caawin doono Qaxootiga ku jira Xerooyinka ku yaalla gudaha Ethiopia.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Qaxootiga la gaarsiinayo Kaalmadaasi ay ku jiraan Qaxootiga Soomaalida ee ku jirta Xerooyinka ku yaalla Jigjiga iyo Dollo Caddo.

Waxaa kaloo Kaalmadaasi ka faa’ideysan doona Qaxootiga u kala dhalatay dalalka Eriteria, Sudan iyo Koonfurta Sudan, kuwaasi oo ku xugan Xeooyin ku yaalla Dhulalka Cafarta, Tigreyga, Gambellaha iyo Benishangul.

@Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor