Ethiopia oo lagu xiray koox taabacsan Daacish, oo dhisi lahaa Dowlad Islaami ah

Ciiddanka Ammaanka ee Dowladda Federalka ee Ethiopia waxay gacanta ku hdigeen 20 qof oo lala xiriirinayo Kooxda Daacish, kuwaasi oo doonayey inay Dowlad Islaami ah kaga dhawaaqaan gudaha dalka Ethiopia.

 

Dacwad-oogaha Dalka Ethiopia, Tedron Bahro ayaa Suxufiyiinta u sheegay inay qabteen dadkaasi, oo uu tilmaamay inay doonayeen inay weeraro ka geystaan Ethiopia oo ay uga abuuraan deganaansho la’aan.

“Ciiddankeenna Ammaanka waxay awoodeeninay qabtaan 20 Eedeysane oo ka tirsan Daacish, kuwaasi oo doonayey inay Dowlad Islaami Gobaleed ah ka hirgeliyaan Ethiopia”ayuu yiri

Tedros Bahro, oo intaasi ku daray in Maleeshiyadda huruda ee gacan-saarka la leh Daacish  ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah Gobalka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga, Oromiya, Jima, Laqqa, Chourabi iyo Khamisi.

Dhinaca kale, Kooxda  taabacsan Daacish ayaa la sheegay inay Xarun Dhexe ku lahaayeen Xaafadda Kolfi Qranyo ee magaalladda Addis Abeba.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor