Ethiopia oo laga hirgelinayo Adeegga Lacagaha lagu kaydsado Mobayladda “Mobile-money”.

Dalka Ethiopia oo ka mid ah dalalka Afrika ee uu Dhaqaalahooda sida xawliga u kordhayo ayaa waxay Dadka culays weyn ku qabaan safafka dheer ee ay u galaan marka ay Bangiyadda ka soo qaadanayaan Lacagaha ugu kaydsan.

Maamulayaasha dalkaasi waxay haatan bilaabeen Nidaamka cusub ee Adeegga Lacagaha lagu dirsado, laguna kaydsado Mobayladda, waxaana Nidaamkaasi loogu magac daray “M-birr”.

Dadka ku nool Degmadda Doni oo 130-KM dhanka K/bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba waxay u riyaaqeen Isticmaalka Adeegga Cusub ee Lacagaha lagu kaydsado, la isuguna xawilo Mobayladda.

Mashruucaasi waxaa Ethiopia ka dhaqan gelisay Shirkad laga leeyahay dalka Ireland oo lagu magacaabo MOSS ICT bilowgii sannadkii hore ee 2015-kii, iyadoo la kaashatay Dhowr Banki iyo 5 Shirkad Xawaalad oo laga leeyahay dalka Ethiopia.

Waddanka Ethiopia haatan waxaa Nidaamka M-Birr isticmaasha 150,000 oo qof oo 2,000 oo ka mid ah ay ku nool yihiin Degmadda Doni.

Inta badan dadka ku nool dalkaasi waxay Xisaab-lacageed ku leeyihiin Bangiyadda Dowladda maamusho, inkastoo uu waqti kaga lumo marka ay doonayaan inay Bangiga kala soo baxaan Kharaj, waayo waxay galayaan safaf dheer oo laga yaabo inuu qofku dhowr saacadood ku qaadato sidii uu boqolaal birr kaga soo baxsan lahaa Kaydkiisa Lacagta ee uu dhigtay Bangiyadda.

Dhinaca kale, Nidaamka Adeegaha Lacagaha la isugu diro Mobayladda ee M-Birr ee dalka Ethiopiaayaa yimid, iyadoo inta badan dalalka Bariga Afrika laga isticmaalo Nidaamka Lacagaha Mobayladda.

iyadoo Shirkadda Telefoonadda Britain(British Telcom) ka hirgeliyeen dalka Kenya Nidaamka Lacagaha ee M-Pesa Service.

Shirkadda Isgaarsiinta Kenya ee Safaricom ayaana hayinka u hayso Isticmaalka Lacagaha lagu kaydsado Mobayladda ee M-Pesa oo ay isticmaalaan in ka badan 18 million oo qof.

Shirkadda Telefoonadda Britain(British Telcom) ayaa ka hirgeliyeen dalka Kenya Nidaamka Lacagaha ee M-Pesa Service.

m-birr2 m-birr 3

©Radio Dalsan