Ethiopia oo Kenya u gacan-gelisay Nin lala xiriirinayo Alshabaab.

Maxkamad ku taalla Mandera ayaa amartay in Xabsiga lagu sii hayo Eedeysane lagu magacaabo Maxamed Cali Korana, kaasi oo laga soo qabtay xuduudka Kenya la wadaagaan Ethiopia.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inay qabteen Ciiddanka Ethiopia, kadibna ay ku soo wareejiyeen Hay’addaha Ammaanka Mandera oo xuduud la wadaago Ethiopia.

Saraakiisha waxay ku eedeeyen ninkaasi inuu ururinayey Xogo dhinaca Sirdoonka, oo sahli kara inay Alshabaab weeraro ka geystaan Kenya, gaar ahaan Deegaanadda ku teedsan xuduudka Somalia.

Maxkamadda Mandera ayaa oggolaatay inay Ciiddanka Boliska La-dagaalanka Argagixisadda (ATPU) sii hayn karaa Eedeysanaha muddo 7 cisho, si ay baaritaano dheeraad ugu sameeyaan.

Garsooraha Maxkamadda Mandera, Duncan Mtai ayaa sheegay in Kiiska Eedeysanaha dib loo dhegeysan doono bisha soo soocta ee April 6-da.

Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka Ethiopia ayaa feejignaan dheeri ah ku jira, iyagoo ka baqanayo inay Alshabaab ka soo weeraraan dhinaca xuduudka Kenya.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor