Ethiopia iyo Uganda oo ku heshiiyey inay iska kaashadaan La-dagaalanka Alshabaab

Wasiiradda Gaashaandhigga ee Ethiopia iyo Uganda,  Siraaj Feessa iyo  Crispus Kiyonga ayaa shalay Kulan Khaas ah ku yeeshay caasimaadda dalka Uganda ee Kampala.

Labada Wasiir waxay ka wada hadleen xoojinta Iskaashiga Difaaca ee labada waddan, Hawlgalka Alshabaab iyo sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Geeska Afrika.

Wargeyska The New Vision ayaa qoray inay Wasiiradda Gaashaandhigga ee Ethiopia iyo Uganda kala saxiixden Heshiis Is-faham (MoU) oo ay labada Dowladooda isaga kaashan doonaan dhinaca Difaaca iyo inay xoojiyaan Ammaanka iyo Deganaanshaha Gobalka.

Qoddobadda kale ee muhiimka ee ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa Xaalladda dalka Somalia, Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab iyo  Xaalladda dalka Koonfurta Sudan.

Dhinaca kale, Heshiiska Is-fahamka ee ay kala saxiixdeen

Wasiiradda Gaashaandhigga ee Ethiopia iyo Uganda,  Siraaj Feessa iyo  Crispus Kiyonga waxaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Mbuya Army ee magaalladda Kampala, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Milliteriga Uganda, Jeneral Katumba Wamala iyo Danjiraha Ethiopia u jooga Uganda, Deefe Bula iyo Saraakiil kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor