Ergo been abuur oo loogu talagalay inay boobaan Kursiga Beesha Absuge Wacaysle oo ku wajahan Cadaado.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Ergo been abuur ah oo ay ku jiraan dad aan u dhalanin Beesha Absuge Wacaysle maanta loo daad-gureynayo caasimadda KMG ee Cadaado, si ay  sed-bursi ugu boobaan Kursi Beesha Absuge ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ergadda Been Abuurka ay ku jiraan dad ka soo jeeda Beelaha kale, kuwaasi oo la sheegay in loo adeegsanayo si ay qeyb uga noqdaan Ergadda Been Abuurka ee maanta ku wajahan Cadaado.

Dhinaca kale, Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido ayaa horey ugu asteeyey Beesha Absuge Wacaysle Kursi xubin rag ah oo uga mid noqda Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Suldaanka ayaa horey ugu asteeyey Jufada Cal-Gaaf xubin Kursi Haween ah, inkastoo ay Jufadaasi xubintii Haweenka ku bedeleen xubin rag ah, iyadoo Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim la sheegay inuu qaatay Kursigii Qoondada Haweenka ee loo asteeyey Jufada Cali-gaaf.

©Radio Dalsan