Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo dhambaal u gudbiyey Jaamacadda Carabta

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha dalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmad Abul Qayd.

Ergey C/raxmaan C/Shakuur ayaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta u gudbiyey dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, kuna saabsan gurmadka abaaraha iyo kaalinta dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah Jaamacadda.

Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa kulamo la yeeshay Wasiirka arrimaha Debeda Kuwayt, Aljeeriya, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee Masar, safiiro iyo wakiilo Carbeed, isla markaana wuxuu ka Codsaday inay gurmadka abaaraha wax ka qabtaan.

Safiirka JFS ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar ayaa waxaa uu sheegay in Shirka wasiirrada arrimaha dibedda Carabta oo maanta looga hadli doono arrimaha abaaraha Soomaaliya.

Safiirka ayaa intaas kusii daray inuu Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Shirka uu kusoo Bandhigi doono xaaladda abaarta Soomaaliya, isaga oo codsaday in aan Soomaaliya lagu eegan xaaladda abaaraha ee adag.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor