Ergayga Midowga Afrika “AU” ee Arrimaha Somalia oo cambaareeyey weeraradii ay Alshabaab ku dileen Askar ka tirsan Hawlgalka AMISOM

War Saxaafadeed uu soo saaray Maman Sidikou ayaa waxa uu si kulul u ugu cambaareeyey weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab shalay ku qaadeen Askar ka tirsan Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo marayey inta u dhexeysa Degaannadda Leego iyo Balli-doogle ee Gobalka Sh/hoose.

“Ciiddankeenna Geesiyayaasha waxay iska difaaceen weerarkaasi jid-galka (ambush)-ka ahaa, waxaana dagaalkaasi naftooda ku waayey 3 Askari, halka kuwa kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen” ayuu ku yiri War-saxaafadeedkiisa, Mama Sidikou.

 

Waxa u uintaasi ku daray inay AMISOM sii wadayaan Hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay inay ka dambeeyeen weerarkaasi, iyagoo tilmamaay inay 5 Askari oo Burundese ah dileen,kuna gubeen  gaari, waa sida ay hadalka u dhigeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor