Ergayga cusub ee Ururka Midowga Afrika iyo Madaxa Hawlgalka AMISOM oo la wareegay Xilkaasi.

Ergayga Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique waxa uu shalay (Dec 04, 2015) xilka kala wareegay Ambassador Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Nigeria.

“Waxaan la wareegay xilka Madaxa AMISOM xilli khatar ku ah Taariikhda Somalia, iyadoo Waddanku galay Weji cusub oo Siyaasadeed iyo Doorashadda la qorsheyeey sannadka soo socda” ayuu yiri Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira.

Waxa uu intaasi ku daray in muhiimaddiisa ugu weyn tahay sidii ay AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Somalia si wadajir u abuuri lahaayeen Degaan Nabdoon oo dhiiri-gelinayso Dhismaha Dowladda.

Waxa uu ammaanay Ergaygii uu xilka kala wareegay, Ambassador Maman Sidikou, dhamaan Kooxda AMISOM, Dowladda Federalka iyo qeybaha kale ee awooday inay wax badan ka guulesteen Deganaanshaha Somalia.

Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira  waxa uu khibrad u leeyahay Diplomaasiyadda, La-dagaalanka Argagixisada, Nabadda iyo dib-u-heshiisiinta waxa uu rajeynayaa inuu hayinka u qabto xaqiijinta guusha la-yaabka ee AMISOM ka sameeyeen dhinacyadda Siyaasadda iyo Ammaanka dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Taariikh Nololeedka Ergayga cusub ee AU iyo AMISOM:

Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira waxa uu bishi iApril 4-dii ee sannadkii 1954-kii ku dhashay magaalladda Beira ee dalka Mosambique, Waa Xirfadle Diplomaasi oo ahaa Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Iskaashiga La-dagaalanka Argagxiisadda iyo Agaasimaha Xaruunta Daraasaadda iyo Cilmi-baarista Argagixisadda (ACSRT) ee ku taallo Caasimadda dalak Algeria ee Algeris.

Waxa kaloo uu hayey Xilka Ergayga Gaarka ee Arrimaha Jabhadda The Lord’s Resistance Army (LRA), muddadii u dhexeysay November 2011 ilaa July 2014.

Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira waxa uu Danjiraha Dalalka Mosambique ka soo noqday dhowr dal oo Afrikaan ah, laga bilaabo 1984 ilaa 1989-kii waxa uu ahaa La-taliyaha Diplomaasiyadda ee Madaxtooyadda dalkiisa gooyo,

Waxa kale oo uu xubin ka  ahaa Ergaddii Dowladda Mosambique ee Wada-xaajoodka Nabaddala galay Jabhaddii RENAMO ee dhaliyey in ugu dambeyn Heshiiska Guud ee Nabadda eMosambique lagu saxiixo caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome bishii August ee sannadkii 1992-kii.

Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira waxa u uhaystaa Diplomadda Xiriirka Caalamiga (A Diploma in International Relations) oo uu ka qaatay Xarunta Xiriirka Calaamiga ee ku yaalla caasimadda dalka Tanzania ee  Dar-Es-Salaam.

Waxa kaloo uu Shahaadada Sharciga (A Law Degree ) ka qatay Jaamacadda The University of Eduardo Mondlane oo ku taalla caasimdda dalkiisa hooyo ee Maputo.

Sannadihii 2005-tii ilaa 2010-kii, waxa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Mosambique.

Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira waxaa xilka Wakiilka AU-da Somalia iyo Madaxa AMISOM u soo magacowday Guddoomiyaha Ururka AU-daDr. Nkosazana Dlamini-Zuma bishii October 7-dii ee sannadkan 2015.

Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira  2

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor