Ergayga AU-da ee Somalia iyo Khabiir Caalami ah oo Kulan ka yeeshay Xaalladda Xuquuqda Aadanaha Somalia.

Wakiilka Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM,  Ambassador Francisco Madeira waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Bahame Tom Nayanduga oo ah Khabiir Madax Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha ee  Arrimaha Somalia , kaasi oo maalmahan booqasho ku jooga magaalladda Muqdisho.

Labada Mas’uul waxay ka wada hadleen Xaalladda Xuquuqda Aadanaha Somalia iyo qoddobo khuseeya Tallaabooyinka ay Taliska AMISOM ka qaadaan Askartooda ku xad-gudubta Sharciga Caalamiga iyo Sharciga Hawlaha Bani-aadminimadda Caalamiga.

Khabiirka waxaa la sheegay inuu AMISOM ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan Soo-celinta Ammaanka Somalia, wuxuuna ugu baaqay inay hubiyaan inaysan ku xad-gudbin Siyaasadda Xuquuqda Aadanaha, gaar ahaan dadka rayidka, marka ay Hawlgallo fulinayaan.

image3

Booqashadda Khabiirka Madax Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha ee Arrimaha Somalia, Bahame Tom Nayanduga  ayaa ku soo beegantay hal isbuuc kadib, markii ay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ay afar qof oo rayid ah ku dileen Deegaanka Buulo-mareer oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose.

AMISOM waxay raalli-gelin ka bixiyeen falkii ay Ciiddanka AMISOM ku dileen  Haweeney da’ ahayd, gabar 9 jir ah  iyo labo nin oo Ganacsato ah oo lagala degay gaari ka soo ambabaxay Buulo-mareer.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor