Ergadii Wada Hadalka Soomaaliya Iyo Somaliland oo Maanta Ku Soo Laabanaya Dalka

Ergadii kala mataleysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee ku sugnaa Dalka Turkiga ayaa Maanta ku soo laabanaya Dalka,gaar ahaan Muqdisho iyo Hargeysa.

Waxa lagu guul dareystay inuu dhaco Wada hadalkii loo tagay Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga,kadib markii Ergada Somaliland ay ku madax adeegeen ineysan la fariisan doonin Masuuliyiin asal ahaan ka soo jeeda Deegaanadda Maamulkasi.

Somaliland ayaa diiday iney Wada Hadalka ay ka qeyb galaan wasiirka warfaafinta ee dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor