Erdogan oo sheegay inay Maraykanka iyo Turkiga awoodaan inay Qabuuro ka dhigaan Xarunta Daacish ee Syria

Madaxweyne Erdogan ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan ka dhacay magaalladda Istanbuul, wuxuuna xusay inay Ciiddanka Turkiga iyo kuwa Maraykanka ka magaalladda Raqa ee Xarunta u ah Kooxda Dacish ka dhigi karaan Qabuurihii Maleeshiydaasi.

“Maraykanka weyn, Isbahysig iyo Turkiga waxay eoodaan inay gacmaha is-qbsadaan iyo inay Raqa ka dhigaan Qabuurihii Daacish” ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku datay inay Daacish eegan doonaan meel kale oo ay isku qariyan,

Hadalkiisa ayaa yimid, iyadoo Erdogan la filayo inuu dhigiisa  Maraykanka, Donald Trump ku kulmi doono mgalladda Washington bisha May 16-da.

Dhinaca kale, Erdogan waxa uu sheegay inuu Madaxweyne Trump u gudbin doono Dukumeentiyo muujinaya inay Mleeshiydda YPF ee xiriirka la leh PKK yihiin kooxo Argagixiso.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media