Erdogan oo Kulankii ugu horreeyey la leh Golihiisa Wasiiradda.

Kulankaasi waxa uu maanta ka dhici doonaa Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Ankara, waana Kulankii ugu horreeyey, kadib, Doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Erdogan waxa uu shaaciyey in guul laga gaaray Doorashaddi ku aadanyd Isbedelka Dastuurka dalkaasi, kaasi oo ah Isbedelkii ugu weynaa Taariikhda Casriga ee dalkaasi.

Waxa uu tilmaamay inay 25 million oo qof taageereen Isbedelka Dastuurka dalkaasi, wuxuuna  Nidaamkii Awoodda ee Barlamaanka lagu beddelayo Madaxtooyo Awood badan

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee ugu weyn dalka Turkiga ee CPH, Kamaal Kilijdaroglu ayaa sheegay inay Su’aal furan tahay Sharci ahaan Natiijadda Doorashadaasi.

Waxa uu ku eedeeyey Madaxweyne Erdogan nin doonayaKeli-talisnimo, wuxuuna ka digay Khatarta ka dhalan karta Isbedelka Dastuurka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media