Eng. Yariisow: “Gobalka Banaadir waxaa ku nool in ka badan labo malyan oo qof, mana aha in laga aamuso Xuquuqdooda iyo Saami-qeybsiga Wakiilladda Aqalka Sare”

Siyaasiga C/raxmaan Cumar Cusmaan “Engineer Yariisow” oo dhowr jeer Wasiir Heer Qaran soo noqday ayaa soo dhaweeyey Go’aanka Dowladda Federalka ee ku aadan Nidaamka Doorashooyinka soo socda, inkastoo uu xusay in loo baahan yahay inay Dowladda u dhega-nuglaato Cabashooyinka la muujinayo.

Eng. Yariisow oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka ku khasbanayd inay Go’aan ka soo saarto Nidaamka Doorashadda, maadaama ay Beesha Caalamka ka sugayeen Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay go’aan ka gaaraan Nidaaamka Doorashadda, ugu dambayn bishan Janaayo 28-dii.

“Waqtiga waa kooban yahay, waxaana loo baahan yahay inay Dowladda Federalka wada-tashiyo la furto Dowlad-gobaleedyadda wax saluugsan, si loo qanciyo iyo in la helo Tanaasul” ayuu yiri Engineer Yariisow, wuxuuna intaasi ku daray in la gaari doono Dimuqraadiyadda in Deegaan wax lagu doorto iyo Qof iyo Codkisa.

Siyaasiga waxa uu ku booriyey in Dowladda dib-u-eegis ku samayso Nidaamka Doorashadda, si loo helo matalaad siman, isla markaana inaysan Dowladda baal-marin Xuquuqda Gobalka Banaadir oo aan saami laga siinin Saamiga Aqalka Sare ee Barlaamaanka oo loo qeybiyey Maamul-gobaleedyadda.

“Gobalka Banaadir waxaa ku nool in ka badan labo malyan oo qof, mana aha in laga aamuso Xuquuqdooda iyo  Saami-qeybsiga Wakiilladda Aqalka Sare” ayuu yiri Eng. Yariisow oo ah Siyaasi deegaan ah ka soo jeeda Gobalka Banaadir.

Dhinaca kale, Eng. C/raxmaan Yariisow waxa uu ugu dambayntii ugu baaqay Dowladda Federalka inay Ra’yi Ururin Dhamaystiran sameeyaan, isla markaana la tixgeliyo Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka Siyaasigaas ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay Dowladda Federalka si Il-duufsi iyo Dheelitirnaan la’aan  u go’aamiyeen Qeybinta Nidaamka Doorashadda, iyagoo aan xisaabtanka ku darsanin Ahmiyadda Codka Reer Muqdisho iyo Maqaamka Gobalka Banaadir oo ah Xarunta ay Dowladda Dhexe ku hawl-galaan.

©Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor