Ellen Johnson Sirleaf oo Madaxweynaha Somalia ugu hambalyeysay Maalinta Xorriyadda

Madaxweynaha dalka Liberia, Ellen Johnson Sirleaf waxay dhambaal hambalyo u soo dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aadan 55-guuradii ka soo wareegtay Maalinta Xorriyadda Somalia oo loo dabaaldegay bishan July 1-dii.

Dhambaalkeeda ayey ku sheegtay iyadoo ku hadlayso magaca Dowladda iyo dadka Liberia iyo keedaba inay ku faraxsan tahay inay ugu hambalyeyso Dowladda iyo Ummadda Soomaaliyeed dabaaldegga Maalinta Qaraimadda Somalia.

Waxay kaloo dhambaalkeeda ku sheegtay inay Liberia iyo Somalia sii wadi doonaan xoojinta  xiriirkooda Diplomaasiyadeed iyo inay iska kaashadaan Nabadda, Dhaqaalaha iyo Horumaarinta Bulshadda.

©  Radio Dalsan