Ehelada Wiil la dhashay Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka hadlay dilka wiilkasi

Aamina Cabdiqaadir oo kamid ah ehelka Cabdixamiid Sheekh Cabdiqaadir oo shalay ay toogten ciidamo ku labisnaa dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in walaalkeeda uusan ku dhiman meel u dhaw hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay ku sheegtay wareysi gaar ah oo ay siisay radio Dalsan in Cabdixamiid si ku tala gal ah loo toogtay isaga oo watay gaarigiisa.

Aamina waxa ay intaasi ku dartay in Cabdixamiid lagu dilay suuqa siigale waxaana toogtay askar wadatay gaari nooca Cabdibilaha oo ay ciidanka qaatan sida ay Dalsan u sheegtay.

Dilka Marxuum cabdixamiid Sheekh Cabdiqaadir ayaa dhacay wax yar kadib markii uu qaraxa ka dhacay Hotelka Ambassador,waxa ayna cadeysay in Cabdixamiid uusan ku sugneyn waqtiga la dilayay meel ku dhaw halka weerarka uu ka socday.

Halkan hoose ka dhaceyso wareysiga oo dhameystiran:-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor