Sawirro:-EFASOM ayaa maanta soo geba-gabeysey kulan looga hadlayey Waxbarashada xilliga xaaladaha degdeg ah lagu jiro

Kulanka ayaa lagu qabtey magaalada Muqdishu wuxuuna socday 2 maalin oo kala ah 8 – 9 November 2017.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga urrurada samafalka ee taageera waxbarashada yo Wasaaradda Waxbarasha oo ay ka wada shaqeyn lahaayeen qaabka ugu sahlan ee dhalaaanka soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha.

Waxaa ka soo qeyb-galey qaar ka tirsan xubnaha OIC (Organization of Islamic Cooperation) sida Munazzamat al-Dawa al-Islaamiyya, Mercy Corps, SAACID, Tamkin, Human Appeal, Sadaaqa Charity, WAMY, Peace Line, PASOS, WARDI, IRADO, WARD, ARAHA, Rayaan Foundation, Ma’ani Vocational Training Center, Direct Aid iyo hay’ado kale oo gacan weyn ka geysta waxbarashada dalka.

Ugu horeyn maaalinta 1aad waxaa ka hadley Mudane Mohamud Abdi Mohamud (Fat), Gudoomiyaha Ururka EFASOM, Wuxuu sheegey muhiimadda ay EFASOM ka leedahay qabashada kulankan iyo waxa ay ka rajeyneyso iney ka soo baxaan gunaanadkiisa isagoona sheegay in EFASOM kadib markii ay aragtay baahida ka jirta Xaaladda Waxbarasho ee deg-dega ah iney soo bandhigto baahiyahaas ayna tusto Hay’adaha ku howlan Waxbarashada si ugu yaraan wax looga qabto baahidaas.

Maamo Nuurto Maxamed Caddow, oo ah Maamulaha Xannaanada Gabdhaha Agoonta ah ee Boondheere, ahna Xubin ka tirsan gudigga fulinta ee EFASOM, ayaa sheegtay in xaalku uu sidii hore aheyn baahiduna ay ka daran tii hore u jirtay, Hay’adihiina ay ka gaabiyeen doorkii ka jawaabis ee baahiyahaas iyadoona aad uga cannaaanatay Hay’adaha ka gaabintaas ay ka gaabiyeen.
Mrs. Khadra Yaasiin, Agaasimaha Waaxda Waxbrashada Deg-dega ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taclinta Sare, oo hadalka qaadatay ayey waxaa ay aad iyo aad uga dheeratay amaanta iyo kaalinta hufan uu ka ciyaariyo Ururka Wadaniga ah ee EFASOM horumarinta Waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed iyadoona aad u soo dhoweysay kulankan waxeyna sheegtay in uu ku soo aaday xilli iyo baahiyaha Waxbrashda Deg-dega ah ee korodheen.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furtey maalinta 1aad madax ka socotey Wasaarada Waxbarashada. Agaasimaha Waaxda Qorsheeynta iyo Miisaaniyadda, Marwo Khadija Cabdulahi ayaa sheegtey in loo baahan yahay urur waliba inuu la shaqeeyo Wasaarada oo uu soo gudbiyo waxqabadkiisa ku aadan waxbarashada. Mrs. Khadija Abdullahi waxay sheegtey: “Xaaladda Waxbrasho ee Deg-dega ah waa mid aanan indhaha laga qarsan karin waqti xaadirkan ayna tahay si dhab ah in loo waajaho Hay’adahana ay si muuqata oo uga qeyb-qaataan ka jawaabista Xaaladahaas” ayey tiri. Waxeyna ugu dambeyn si rasmi ah u daah-furtay kulanka.

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Degdega ah, Marwo Khadra Yasin ayaa iyana goobtaa ka sheegtey in la gaarey xilligii gacmaha la is qabsan lahaa si dhalaanka Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha barakacayaasha loogu heli lahaa waxbarasho tayo leh. Mrs. Khadra oo sii wadata hadalka ayaa waxa ay sheegtay in ka Wasaarad ahaan ay dhiiir-gelinayaan kulamada sidaan oo kale ah welibana ay aad ugu guubaabinayaan in Hay’adaha ku howlan Waxbarashada in dadaalkooda ay sii laba-jibbaaraan iyadoona sheegtay in iyaguna doorkooda ka soo dhalaalayan ka wasaarad ahaan sidoo kalana ay la garab taagan yihiin taageero dhan weliba ah.

Is-barasho kadib , Mr Adam, Xiriiriyaha Guud ee Ururka EFASOM, ayaa ka soo qeyb-galayasha wuxuu uga warbixiyey Xaaladda Waxbrasho ee Deg-dega ah siiyeyna warbixintii ugu dambeysay ee laga diyaariyey arinkaa. Intaa kadib qeyb-galayaashu waxa ay guda-galeen is dhaafsiga fikiradooda ku aadan Xaaladda Waxbrasho Deg-dega ah ee ka jirta Dalka waqtigan taagan waxeyna dood adag ka yeesheen arinkaas iyo sida ugu wanaagsan ee looga jawaabi karo baahidaasi.
Ka qeybgalayaasha ayaa u kala baxeen kooxo si doodoodu ay u noqoto mid waxtar leh.
Dood dheer kadib, Kooxuhu waxa ay ku soo bandhigeen fikarahooda ku aadan Xaaladda Waxbarasho ee deg-dega ah iyagoo koox weliba ay diirada saartay halka ay baahidu ka jirtay iyadoona mid mid u dul istaagtay qodobada ay is leeyihiin wax waa looga qaban karaa Xaaladda Waxbrasho ee Deg-dega ah. Sidoo kale Kooxuhu waxa ay isla qireen in Wasaaradda Waxbrashada iyo Wasaaradaha kale ee quseneyso Xaalad Deg-deg ah in ay la yimaadan nidaam cad oo qeexaya sida ugu haboon ee looga jawaabi karo Xaaladda Waxbrasho ee deg-dega ah.

Sidoo kale Kooxuhu waxa ay soo jeediyeen in aanan la sugin inta ay ka dhaceyso Xaalad deg-deg ah ee laga hortago in ay timaado Xaalad Waxbrasho oo deg-deg ah iyagoona tilmaamay in ka hortagu uu aad uga habboon yahay ka jawaabistu. Iyagoona sidoo kale cadeeyey in ay muhiiim tahay in dadka Xaaladda Waxbrasho aadka ugu gaarka tahay ee Barakacayaasha in deegaanadooda loogu geeyo adeegyada loona diido in ay soo barakacaan si gar-gaarkaas uu saameyn wanaagsan u yeesho waxeyna ku dooden in haddii marba ay ka soo barakacaan barakacayaashaas deegaanadooda ay soo if-bixi karto xaalad adag oo waxbarasho deg-deg ah lagana yaabo in ka jawaabista xaaladaas ayna saameyn sidaas u buuran aysan yeelan.

Hayada ay ka mid yihiin Mercy corps, Hamdi organization, Wardi, WARD, SAACID, Araha, Himilo-fog ayaa waxay ku guuleysteen iney caawiyaan: Isku dar guud 2,878 arday agoon ah ayaa waxay heleen waxbarasho lacag la’aan ah (xanaano ilaa dugsi sare)
5,500 arday oo qaxooti soo laabatey ayaa laga bixiyaa lacagta isskuulka iyo agabka waxbarasho 29 dugsi ayaa la dhisey qaarna la dayactirey Urruradaasi waxay sheegeen:
21 dugsi ayaa quudin usocota loona sii wadi doonaa26 dugsi ayaa dib loo howlgelin doonaa 17,785 arday oo qaxooti soo laabatay ayaa laga bixinayaa lacagta iskuulka iyo agabka Waxbarashada Hayadaha ay ka mid yihiin Peace line, IRADO, Rayaan Foundation, Ma’ani Vocational Training Center, Direct Aid ayaa soo bandhigey waxbarashada ah ee ay u fidiyaan dhalaanka Soomaaliyeed.

Bartamaha iyo koonfurta soomaliya, 1,750 arday ayaa la barey sida ay uga taxadiraan qatarta qaraxa (mine risk education by peace line organization)
250 arday waxbarasho nidaamsan, 300 agoon la taakuleeyey, IRADO ayaa caawisa
1000 arday waxbarasho, 400 agon ayaa la cawiyaa, hayada Rayaan Foundation
Direct Aid waxay dhistey dugsiyo hoose dhexe iyo sare WAMY waxay caawisaa Waxbarashada arday farabadan, sida magaalada Mogadishu 1746 arday, Beledweyne 821 arday, Bosasso 2,693 arday, Baydhabo 324 arday Munazamat al-Dawa Islamiya, Hargeysa 500, boorama 250, gedo 125, Banadir 400, Banadir 300, Banadir 360, bosaso 280, total 2,355 arday Hay’adahaasi waxay kaloo sheegeen:
Howlahii la waday oo lasii dhameystiro sanada soo socda Kafaalo loo sameeyo agoonta ka dhalatey dhibaatadii 14 OCTOBER ka dhacey masiibadii, iyo qoysaskooda oo loo sameeyo Tayada Waxbarashada oo kor loo qaado Arday dugsiga sare ka soo baxo oo tacliin sare loo raadiyo Arday oo la baro dhaqan nololeedka (PEACE education)
Magaclimiinta oo la tababaro Waalidiinta oo dowr ku yeesha maamulka dugsiga Gudiyada dugsiyada oo tabab la siiyo Barakacaaya oo lagu tababaro caafimaadka Gunaanadkii, Mr. Adam Osman Omar oo la socdey Hayada Wardi , oo ku hadlayey afka ka soo qeyb-galayaasha ayaa aad wuxuu ugu bogaadiyey Ururka EFASOM uguna hambalyeeyey sida uu u abaaray halka ay baahida daran ka jirto ee Xaalada Waxbarasho ee deg-dega ah. “Kulankan wuxuu ahaa mid aad iyo aad muhiim ah kuna soo beegmay xilli aad u muhiim ah oo ay jirto baahi Xaalad Waxbarasho oo deg-deg ah intii uu socdayna waxaa la isdhaafsaday fikrado aad u muhiim ah oo ku wajahan Xaaladda Waxbarasho ee Deg-dega ah.” Ayuu yiri mudanaha.

Mr. Adam ee.ka.socdey WARDI ayaa ugu dambeyn wuxuu mar kale u mahad-celiyey Ururka Wadaniga ah ee EFASOM doorkisa saliimka ah u hiilinta Waxbarshada Carruurta Soomaaliyeed isagoona sidoo kale u mahad-celiyey Hay’adaha kale ee ku howlan arimaha Waxbarshada.

Halima Ali Nour, Munazzama al-Dawa Islamiyya, oo iyadona sidoo kale ku hadleysay afka ka soo qeyb-galayaasha gaar ahaan Haweenka, ayaa waxa ay ugu horeyn uga mahad-celisay Ururka EFASOM agaasinkiisa uu soo agaasimay madashan qiimiga leh waxeyna sheegtay in intii uu socday kulankan uu ahaa mid wax badan oo muhiim ah la isku dhaafsaday sidoo kalana rajeysay in fikridihii la is dhaafsaday ay noqon doonaan kuwo miro dhala.

Drs. Faaduma Abuukar Mohamed, Fududeeyaha Kulanka, oo hadalka lagu soo dhoweeyey ayaa waxa ay aad ugu dheeraatay qiimaha ay leedahay in la qabto kulan sidan oo kale ah oo ka hadlaya baahi daran oo taagan xilligan, waxeyna cadeysay in madashu ay aheyd mid tayadeedu sareysay.
Prof. Hussein Tohow, Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka EFASOM, oo hadalka qaatay ayaa wuxuu aad uga dheeraaday muhiimadda uu ka leeyahay Ururka EFASOM qabsoomidda kulankan looga hadlayey Xaaladda Waxbrasho ee deg-dega ah.

“EFASOM ujeedka ugu weyn ay laheyd kulanka ayaa ahaa in ay bannaaka keento baahida ka jirto Xaaladda Waxbarasho ee deg-dega ah sidoo kalena ay is-tusto dadka baahida Xaaladaas Waxbarasho ee deg-dega ah aadka u qaba iyo Hay’adaha Waxbarasho dhaqaalaha ku bixiya ee shaqadoodu tahay horumarinta Waxbarashada” ayuu taaciyey.

Ugu dambeyntii isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wuxuu aad ugu mahad-celiyey ka soo qeyb-galayasha Kulanka isagoona ku tilmaamay kulanku in uu ahaa mid aad u tayo badan xubno sar-sarana ay soo dirsadeen Hay’adihii ka soo qeyb-galay wuxuuna sidoo kale aad ugu ammaanay qaabkii quruxda badneyd ay u dhowrayeen habsami-u-socodka kulanka.

Mudane, Abdirashid Abdullahi Heydar, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, ayaa lagu sharfey inuu sinrasmi ah u soo xero kulanka isagoo qaatay kalmada ugu dambeysa ee Kulanka wuxuuna aad ugu dheeradaay ammaanta Ururka EFASOM sida uu u arkay baahida jirta ee Xaaladda Waxbarasho ee deg-dega ah. “Ururka EFASOM waa Urur Waddani ah oo runtii ku howlan u hiilinta Waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed, wuxuu arkay baahi dhab ah oo ka jirta Dalka oo ah Xaalad Waxbarasho oo deg-deg ah heysatana Carruurta Soomaaliyeed wuxuna qabtay kulan looga hadlayo sida ugu saameynta badan ee baahiyahaas looga jawaabi karo, ammaan xoogan iyo mahad-celin diiran ayaan u dirayaa Ururka EFASOM.” ayuu raaciyey hadalkiisa.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Ka-Wasaarad ahaan ay si dhow ula shaqeeneyso Hay’adaha aan dowliga aheyn ee ku howlan arimaha bulshada ayna ka caawinayaa wax kasto oo ay awoodaan. “Waxaan halkan ku arkay maanta iyo waxyaabihii ka soo baxay kulankan waxaan la wadaagi donna una gudbin Madaxda Sare ee Dowladda si ay u arkaan kaalinta mugga leh ee ka ciyaariyaan horumarinta Waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed sidoo kalena ay is dhinac istaagan Ururada kale ee ku howlan Waxbarashada una fidiyaan taageero dhinac kasto ah.” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Mudane Abdirashdi isagoo si rasmi ah u soo xiray kulanka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media