Eedeysane Somali oo ka codsaday Canshuur-bixiyaasha dalka Kanada inay ka taageeraan Kharajka dhinaca Sharciga

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Ali Omar Adeer ayaa hadalkaasi sheegay,  hal toddobaad kadib, markii ay  Hay’addaha Ammaanka ee dalka Kanada soo qabteen.

Eedeysane Ali Omar Adeer oo 37 jir ah ayaa la filayaa in maalinta Jimcaha ee soo socota mar kale la soo taago Maxakamad ku taallo caasimadda dalka Kanada ee Ottawa, waxaana la sheegay inuu muteysan karo xukun xabsi daa’im ah.

Garyaqaanka Eedeysanaha ayaa sheegay inuu rumeysan yahay Hay’adda Kaalmadda Sharciga ee Ontario dabooli doono Kharajka dhinaca Sharciga ee Eedeysanaha.

Garyaqaanka waxa uu sheegay haddii Kaalmadaasi loo diido inuu diyaarin doono sidii uu u qaadi lahaa waxa loo yaqaano Codsiga Rowbotham.

Garyaqaanka waxa uu ka codsan karaa Maxkamadda Sare ee Ontario si ay u amraan kharajka lagu difaacayo Eedeysanaha.

Rowbotham application.

Afhayeenka waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo qaabka iyo sababta uu Eedeysanaha u yimid Kanada, iyadoo uu Garyaqaanka labo jeer la kulmay tan iyo markii laa xiray Eedeysanaha.
Lacagaha Kaalmadda ee uu codsaday Eedeysanaha ayaan la ogeyn qaabka uu u heli karo, maadama uu Sharciga Kanada aanu sheegin qaabka Kaalmo dhinaca Sharciga loo siin karo qof aan u dhalanin dalkaasi.
Dhinaca kale,  Eedeysane Ali Omar Adeer ayaa loo haystaa inuuu ka dambeeyey afduubkii Amanda Lindhoiut iyo Nigel Brennan oo u kala dhashay dalalka Kanada iyo Australia, kuwaasi oo bishii August ee sannadkii 2008-dii laga qafaashay duleedka magaalladda Muqdisho.

Waxaa Suxufiyiintaas la sii daayey 14 bilood kadib, markii la bixiyey lacag madax furasho oo dhan 600,000 oo Dollar.

 © Warqabadka Dalsan Radio

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor