Eedeysane Somali-Maraykan  lagu eedeeyey  inuu Daacish u furi lahaa Toobiye ay ku soo gaaraan Maraykanka.

Dacwad-oogayaasha Maraykanka ayaa sheegay mid ka mid ah Somali-Maraykan ku nool Gobalka Minnesota oo ku eedeysan inay ku biiri lahaayeen Daacish inuu sheegay inuu doonayey inuu furo khad isku xira Syria iyo Maraykanka, iyadoo la soo marayo dalka Meksiko.

Dukumenti ay Dacwad-oogayaasha buuxiyeen Arbacadii la soo dhaafay ayaa lagu muujiyey in Eedeysanaha oo lagu magacaabo Guuleed Cali Cumar inuu xubno ka tirsan Daacish kala hadlay Marinkaasi, si ay u soo diraan xubno weeraro ka fuliya Maraykanka.

Dacawad-oogayaasha waxay sheegeen inay Caddaymaha soo bandhigi doonaan marka Dacwadda Eedeysanayaasha Soomaalida dib loo furo bisha soo socota ee may 9-da.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Guuleed Cali Cumar oo 21-jir aj. Xamsa Naaji Axmed oo 21-jir ah, Maxamed C/xamiid Faarax oo 22-jir ah iyo C/raxmaan Yaasiin Daa’uud oo 22-jir waxay horey u dafireen dembiyo badan oo lagu soo oogay.

Dacwad-oogayaasha Maraykanka waxay sheegeen inay Eedeysanayaashaasi qeyb ka ahaayeen Kooxo Saaxiibo ah oo ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota, kuwaasi oo yeeshan Kulamo qarsoodi ah iyo inay ku biiraan Kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Saraakiisha Waaxda Dembi-baarista FBI-da Maraykanka ayaa sheegay in ku-dhawaad darsin dhallinyaro Somali dhowrkii sanno ee la soo dhaafay ka ambabaxeen Gobalka Minnesota, kuna biireen Kooxaha ka dagaalamayo dalka Syria.

Waxaa intaasu u dheer in laga bilaabo sannadkii 2007-dii inay in ka badan 22 dhallinyaro ku biireen Xarakadda Alshabaab ee ka dagaalanta Somalia.

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor