Eedeysane Maraykan oo Tooreey ku dhaawacay Muwaadin Somali ah.

Kelvin Porter oo 46 jir ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu xiray magaalladda Minnepolis ee Gobalka Minnesota, kadib, markii uu Muwaadin Somali ah dhowr jeer Tooreey kaga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Dhibanah Soomaaliga waxay dhaawacyo ka soo gaareen Luqunta, Garabka, Gacanta, Wejiga iyo Caloosha, sida ay sheegeen Boliska.

Wargeyska The Star Tribune ayaa qoray inuu Eedeysanaha u sheegay Boliska inuu falkaasi u geystay Islaam-nacayb, wuxuuna Boliska tusiyey qaabkii uu Tooreyda ugu dhaawacay Muwadinka Somali-Maraykanka.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in la xiray, laguna soo oogay Fal-dembiyeed heerka 2-aad ee Isku-day weerarid.

Nacaybka loo qabo Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaalida ku nool Maraykanka ayaa sii korodhay markii uu Madaxweyne Donald Trump ku  guda-jiray Ololihiisa Doorashadda, isagoo Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota inay ku lug leeyihiin waxa loogu yeero Argagixisadda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media