Eedeysane ka mid ah ragga u xiran Weerarkii Alshabaab ee Kampala oo sheegay in la jirdilay

Eedeysane la sheegay inuu muhiim u yahay Dacwadda Qaraxyaddii Kampala ka dhacay sannadkii 2010-kii ee haatan ka socota Kampala, ayaa shalay sheegay in la jir-dilay, laguna khasbay inuu qirto dembigaasi.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ciise Axmed Luyiima ayaa la sheegay inuu Xeer-begtida hortooda isaga bixiyey Surwaalkiisa, si uu u tusiyo dhaawacyo ay u geysteen Ciiddanka Isku-dhafka  Uganda ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ee JATT.

Ciise Axmed Luyiimawaxa uu sheegay inuusan ku lug lahayn weerarkaasi, wuxuuna sheegay inay Saraakiisha Ciiddanka Ammaanka u balanqaadeen in la cafin doono haddii uu Saxaafadda ka hor qirto inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay Isqarxintii Mataanaha ee ka dhacday Kampala sannadkii 2010-kii.

Waxa kaloo uu tilmaamay in uu arkay mid ka mid ah Eedeysanayaasha la xiran oo lagu magacaabo Mohamed Mugisha, kaasi oo aan ceshan karin kaadida.

Waxa uu xusay inay Saraakiisha baarista jirdileen, isla markaana ay cirbad kaga mudeen carrabka.

Garsoore Ownini Dollo ayaa la filayaa inuu maanta xukumiyo haddii Eedeysane Ciise  Axmed Liyuuma si khasab ah looga qoray qiraalka uu ku sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkaasi.

Dhinaca kale, Maxkamadda waxaa shalay mar kale hor yimid Eedeysane Idris Nasubuga, kaasi oo ku xukunaa 25 sanno, balse haatan noqday Markhaati loo diyaariyey inuu ku marag furo 12-ka Eedeysane ee u xiran Qaraxyaddii Kampala oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 67-qof.

Xigasho: Monitor

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor