Eedeysanayaal Soomaali ah oo ku xiran Jasiiradda Malta oo loo diiday in damiin lagu sii daayo

Maxkamad ku taalla magaalladda Pacevilla ee Malta ayaa ku gacan sayrtay in la sii daayo 2 Nin oo Somali ah oo loo haysto inay iibinayeen Daroogo iyo inay dhibaateeyeen Dalxiisayaal khamri cabsanaa oo u dhashay Raashiya. Kuwaasi oo oo ku xurnaa Xeebta magaalladda Pacevilla ee Malta.

Warbaahinta dalkaasi waxay Eedeysnayaasha Soomaalida ku kala sheegeen Shacbaan Adan Jama,oo 21 jir ah iyo Mahamed Abib Hashi, waxayna Booliiska u gudbiyeen Maxkamadda eedeymaha loo haysto raggaasi.

Qareenka difaacayey Eedeysanayaasha ayaa beeniyey Eedeymaha isagoo sheegay inaysan 2-da nin ee Soomaaliga lahayn Faylal Dembiilenimo oo horey loogu soo oogay.

Garsooraha Maxkamadda ayaa ku gacan sayray Codsiga Qareenka ee ahaa in Eedeysanayaasha lagu sii daayo Damiin Lacageed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media