Eedeysanayaal lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ka geysteen Uganda oo mar kale la soo maxkamadaynayo

13 Eedeysane oo lala xiriirinayo Qaraxyaddii Mataanaha ee shan sanno ka hor ka dhacay caasimadda dalka Uguanda ee Kampala ayaa la filayaa inay mar kale berrito ka soo hor muuqdaan Maxkamadda Sare ee magaalladda Kampala.

Garyaqaanadda difaaca Eedeysanayaasha dacwadooda ka socota Kampala ayaa la filayaa inay sheegaan in ay 76-kii qof ee lagu dilay Naadiga Ciyaarta Rugbiga iyo Baarka Ethiopian Village Restaurant ee magaalladda Kampala u geeriyoodeen Labadii qarax eel ala beegsaday.

Garyaqaanadda oo tiradooda dhan tahay 6 qof ayaa u gudbiyey Maxkamadda Sare inay ku qanacsan yihiin caddaymaha baaritaannadda lagu sameeyey Qaraxyaddii Mataanaha, iyadoo ay Maxkamadda soo bandhigtay baaritaano ay koox Dhaqaatiir ku sameeyeen maydadka.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen Is-qarxintii Mataanaha ee lala beegsaday Taageerayaal daawanaysay Ciyaartii Finalka ee K/Cagta Adduunka ee sannadkii 2010-kii oo lagu qabtay dalka Koonfurta Afrika.

Ciyaartaasi waxay u dhexeysay Xulalka Qaranka K/cagta ee dalalka Holland iyo Spain.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen Qaraxyadaasi oo ay ku geeriyoodeen 76 qof oo ay ku jireen dad shisheey ah.

Xigasho:- Monitor

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor