Eedeysanayaal lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ee Kampala oo la soo maxkamadeeyey

Maxkamadda Sare ee magaalladda Kampala waxaa shalay mar kale la soo taagay 11 Eedeysane oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen qaraxyaddii mataanaha ee sannadkii 2010-kii lala beegsaday Taageerayaal daawanaysay Ciyaartii Finalka ee Koobka K/Cagta Adduunka oo dhex martay Xulalka dalalka Spain iyo Netherlands.

Qaraxyadaasi oo lala beegsaday labo goobood ayaa waxaa la sheegay inay ku gereiyoodeen ugu yaraan 76 qof.

Ammaanka Guud ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Kampala ayaa shalay aad loo adkeeyey, iyadoo la wada xiray waddooyinka soo gala dhismaha Maxkamadda.

Suuxfiyiinta waa laga mamnuucay inay goobjoog ka noqdaan dhegeysiga dacwaddaasi.

Hadal ka so obaxay Xeer-beegtida Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhegeysiga dacwadda toddobaadkiiba saddex jeer loo fariisan odono.

Kiiskan ayaa hakad ku jiray tan iyo bishii March 31-dii, hal maalin kadib, markii toogasho lagu dilay Dacwad-oogihii hoggaaminaysay baaritaanka Kiiskan, oo  la oran jirey Joan Namazzi Kagez, oo lagu dilay Degaanka Kiwatule ee duleedka Kampala.

Xigasho: The Monitor.

© Warqabadka Dalsan Radio
KAMPALA KAMPALA222222

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor