Duullimadka Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi oo hoos u dhigay Dhaqaalihii Garoonka Wajeer.

Tan iyo markii la bilaabay Duullimaadka  Diyaaradaha Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa waxay arrintaasi dhaawacday Dhaqaalihii Garoonka Wajeer uga soo xeroon jirey Diyaaradaha ka yimaada Somalia ee  lagu kontorooli jirey Garoonkaasi.

Maareeyaha Garoonka Wajeer, Charles Kiong’a oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inay la soo gudboonaatay Khasaaro dhinaca Dhaqaalaha, tan iyo markii dib loo bilaabay Duullimaadkii Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi.

Waxa uu intaasi ku daray in ay bishiiba khasaaraan in ka badan 2 Million oo Shillinka Kenya, halka ay  isbuuciiba ka heli jireen Diyaaradaha ku hakada Wajeer dakhli dhamaa 531,000  ee Shillinka Kenya.

Maareeyaha waxa uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in la kordhiyo Diyaaradaha ka dhex shaqeeya Kenya, si loo helo Dakhli lagu socodsiiyo Adeega Garoonka.

Shirkadaha Diyaaradaha Rakaabka ee Juba Airways, African Express, East Africa Safari Express, Freedom Airline, Oceanic and Fan Jet Express  ayaa  inta badan horey ugu degi jirey Garoonka Wajeer, ka hor intaysan u sii gudbin Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi.

Diyaaradaha ka yimaada Muqdisho waxay sababo dhinaca Baaritaanka Ammaanka u sii mari jireen Garoonka Wajeer, waxaana Amarkasi bixiyey Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media