Duuliye Vladimir Vodpopivec: “Waxaan u maleynayaa inuu Qarax ahaa wixii ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines…”

Wargeyska Maalinlaha ee Daily Blic ee ka soo baxa caasimadda dalka Serbia ee Belgrade ayaa lagu soo daabacay Wareysi ay la yeesheen Duuliyihii Diyaaradda Daallo Airlines ee shalay uu qaraxa ka dhacay xilli ay ka duushay Garoonka Diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, kuna sii jeeday dalka Jabuuti.

Duuliyaha oo lagu magacaabo Vladimir Vodpopivec ayaa sheegay inuu filayo inuu qaraxa ahaa wixii shalay ka dhacay gudaha Diyaaradda uu Duuliyaha ka ahaa ee Daallo Airlines, ee  Flight Number-keedu ahaa D3159.

Duuliyaha oo 64-jir ah waxa uu Wareysigiisa ku xusay inuusan wax burbur ah soo gaarin halka laga hago Duullimaadka Diyaaradda.

“Nasiib wanaag, Halka laga kontoroolo Duullimaadka ma burburin, waxaana awooday inaan soo laabto, kuna dego Garoonka” ayuu yiri Duuliye Vladamir Vodopivec, oo intaasi ku daray inay Ilaahay mahadiisa tahay inay ku dhamaatay si wanaagsan.

Duuliye Vladamir Vodopivec oo u dhashay dalka Serbia waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyka Maalinlaha ee Daily Blic ku xusay inuusan marnaba la kulmi dhacdadii shalay oo kale muddadii uu ku soo dhex jiray Xirfadda Duuliyenimo.

Dhinaca kale, Diyaaradaasi oo ay la socdeen 74 qof  Rakaab ah oo ku sii jeeday dalka Jabuuti, waxaa ku dhaawacantay 2 qof.

Warar ayaa waxay sheegayaan in maydka qof ka mid ah Rakaabka oo uu qaraxa ka dhex dusiyey mid ka mid ah Daaqadaha Diyaaradda ayaa laga helay Degmadda Balcad, sida ay caddeeyeen Maamulka Degmadda.

Maydka Marxuumkaasi oo ahaa Nin Oday waxaa shalay galab la keenay Muqdisho,  iyadoo la sheegay inuu qaraxu jarjaray qeybo ka mid ah jirkiisa.

Wararka ugu dambeeyey waxay sheegayaan inay Hay’adaha Ammaanka ee Dowladda Federalka iyo Khubaro Caalami ah ku guda jiraan Baaritaanka waxa uu ahaa Qaraxii shalay ka dhacay Diyaaradda Daallo Airlines ee sida halhaleelka leh ugu soo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

SAWIRO CUSUB DAALLO AIRLINES SAWIRO CUSUB DAALLO AIRLINES02 SAWIRO CUSUB DAALLO AIRLINES1 sawirka daallo airlines005 SAWIRKA DIYAARADDA DAALLO1 SAWIRKA DIYAARADDA DAALLO 03 SAWIRKA DIYAARADDA DAALLO 002

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan