Duufaanta Irma oo ka bilaabatay Gobolka Florida

Duufaanta Irma ayaa billowday in ay garaacdo xeebaha gobolka Florida ee dalkan Mareykanka, taasoo durbaba dhalisay in 75 kun oo ruux ay iska diiwaan geliyaan xarumaha dag daga ah ee ay dowladu diyaarisay.

Dabeylo iyo roobab xoog leh oo qeyb ka ah masiibada duufantan Irma ayaa lagu wadaa in ay fatahaado iyo bur bur ka geystaan waqooyiga Floria saacadaha hore ee Axada maanta ah, ka hor inta aysan usii gudbin xeebaha galbeed ee isla gobolkaan.

Gudoomiyaha gobolka Florida Rick Scott ayaa u shacabka u sheegay in ay isaga baxaan deegaanada lasii iclaamiyay in laga cararo ee ay duufaantu ku socoto, waxa kale oo uu sheegay in gobolka uu ku jiro xaalad dag dag ah.

Waa dufaantii labaad oo ka dhacda Mareykanka muddo 15 maalmood gudahood ah, laba todobaad ka hor ayey aheyd marki ay duufaanta Harvey garaacday gobolka Texas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media