Duqeyn lagu dilay Dagaalyahano Daacish oo ku sugnaa dalka Masar.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in duqeyn lagu dilay 19 Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish oo ku sugnaa Gacan-biyoodka Siinaay.

Duqeyntaasi waxaa kaloo lagu burburiyey 4 gaari oo ay Kooxdaasi lahaayeen.

Hawlgalkan ayaa yimid 2 maalin kadib, markii ay Boliska sheegeen inay  dileen mid ka mid ah Kooxdaasi oo ku lug lahaa weerar horaantii isbuucan lagu dilay mid ka mid ah Boliska oo ilaalo ka hayey Kaniisad.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media